Dadkoo idil waa in ay dareemaan amaan marka ay helayaan adeegyada caafimaadka.
Nasiib darro, waxaa dadka soo galootiga ah cabsi iyo walaac badan ku abuuray soojeedinno ay dhawaan sameeysay dowlada Federaalka. Qooysaska qaar waxay dareemeen in ay kala doortaan labo khatar midkood. Ma waxay ka maarmaan helitaanka adeegyada caafimaad iyagoo khatar gelinaya caafimaadkooda? Mise waxay door bidaan Kulan uu la yeesho wakiilada socdaalka federaalka?
Waxaa aad u adag wakiilada socdaalka federaalka in ay qof ka raadsadaan goobahanaga caafimaadka.
Lakiin, lacalla hadeey dhacdo, hay’ada caafimaadka dadweeynaha- Seattle iyo King County waxeey sii adkeeynayaan badbaadinta dhamaan macaamiisha ku sugan rugaheena caafimaad.
- Waxaan abuurnay hanaan cusub oo xoojinaya ilaalinta xogta shaqsiga jooga goobaha sugitaanka ee xaruumaha caafimaadka. Waxaan dhajinay tusmooyin muujinaya arintan.
- Waxaanu tababarnay shaqaalaha xaruumaheena si aay u aqoonsadaan warqada ammarka baaritaan maxkamadeed. Wakiilada socdaalka Federaalka ma soo geli karaan xaruumaheena iyagoon wadan ammar maxkamadeed oo sax ah.
- Waxaan ku tabareeynaa shaqaalaheena soo dhaweeynta iyo shaqaalaha kale ee xaruumaha ineey u diyaar garoobaan sidii si heer sare ah logu adeegi lahaa qooysaska soo galootiga ah.
Dhammaan xaruumaha caafimaadka weey ilaaliyaan xogta gaarka ah ee bukaanka. Ma soo bandhigno xogta shaqsiyadeed, illaa aay maxkamad soo ammartay ama uu bukaanku codsaday maahee.
Rugaha Caafimaadka Dadweynahuna ma keeydiyaan diiwaanada ku saabsan muhaajirnimada ama soo galootinimada dadka adeegga doonaya, marka laga reebo xaalado dhif ah oo uu baaritaanka xanuun aawgii looga maarmi waayo macluumaadka la xiriira geediga. (Xitaa hadeey taasi dhaco, xogtaasi waxaay qayb ka tahay xogta gaarka ah ee bukaanka, waana la ilaaliyaa.)
Diyaarinta shaqaalaha
Waaxda caafimaadka dadweynaha deegaankeena waxa ay hawl-gelisaa xaruumo ku baahsan dhammaan King County. Tusaale, waxaan u adeegnaa:
- Haweenka uurka leh iyo qoysaskooda ee uu dakhligoodu hooseeyo.
- Ragga iyo haweenka u baahan caawimaada dhanka kala fogeynta uurarka iyo baaritaanada iyo daaweeynta cudurrada galmada lagu kala qaado
- Carruurta iyo dadka waaweyn ee aan awoodin in ay meelo kale ka helaan daryeelka ilkaha
King County-gu waxay tababareysaa kormeerayaasha xuruumaha si ay u fahmaan noocyada kala duwan ee awaamiirta baaritaanka maxkamadaha. Warqada kafaalada qaarkood ma siinayaan wakiilada federaalka xuquuq ay ku galaan goobaha sida gaarka ah loo leeyahay.
King County-gu waxa kale oo aay bixisaa macluumaad assaassi ah “Garo Xuquuqdaada” (PDF) oo lagu caawiyo macaamiisheena.
Dhammaan waa lagu soo dhaweynayaa xaruumaha caafimaadka ee King County-ga.
(8/2/17)