Caabuqa Omicron ee fasaska badan wuxuu ku socdaa xawli xad-dhaaf ah sida adorosyo cusub sheegayaan. Isbuuca soo socda, cadadka kiisaska Omicron ee King County waxaa la qiyaasayaa inay sara ugu kacaan heerar saddex jibbaar ka sarreeya heerarkii ugu sarreeyay ee aan ku aragnay cudurkaan safmarka ah. Waxaan fileynaa cadadkaas (tirsigaas) inuu kor u sii kaco ilaa Janaayo dhexdeeda.
Isbeddel la mid ah baa laga filayaa inuu ka soo baxo qeybo kale ee Mareykanka. Halista kiisaska Omicron weli ma cadda. Inta badan dadka tallaalan wey ka difaacsanaan doonaan caabuq daran, laakiin waxaan fileynaa in aan ku aragno dadka aan tallaalneyn kiisas saa’id ah oo daran, iyo sidoo kale caabuqyo horleh oo badan, kuwii horena ka sahlan oo ku dhaca inta tallaalan.
Sarakacaan dhaqsaha badan ee kiisaska wuxuu leeyahay suurtogalnimada uu ku ahaado mid ka dhabqin badan hirarkii hore. Wuxuu halis-gelin karaa awoodda nidaamka daryeelka caafimaadka si dadka loo daryeelo. Wuxuu sidoo kale hakad ama dhabqin weyn ku noqon karaa ganacsiyada, iskoollada, iyo kaabayaasha muhiimka ah, markey shaqaaluhu xanuunka lasoo dhacaan.
Dadka degan King County iyo goobaha shaqooyinka waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay qaadaan tillaabooyin hadda si lagu yareeyo khatartooda– labadaba si ay u ilaaliyaan naftooda, qoysaskooda, iyo dadweynaha, iyo si looga yareeyo culeyska nidaamka daryeelka caafimaadka iyo bulshada.
Adorosyada cusub waxay ku saleysan yihiin faafka dhaqsaha badan ee caabuqa Omicron ee wadamada kale iyo xog arurinta ugu dambeysay ee deegaanka.
“Haddii aan sameyno adoros aad u fudud oo 10-beri ah ee caddadkaan kororka, waa in aan filanaa qiyaastii 2,100 kiisaska Omicron maalinkasta ee King County marka la joogo Diseembar 22, 2021. Tan waa qiyaastii 3.5 jibbaar heerka Delta ee King County uu marayay Agoosto,” waxaa saas yiri Trevor Bedford, baayolojiste xog-daraaseed oo jooga Fred Hutchinson Cancer Research Center.
“Khatarta ugu weyn ee faafkaan dhaqsaha badan ee Omicron wuxuu ku wajahan yahay dadka aan tallaalneyn” waxaa saas yiri Dr. Jeff Duchin, Saargaalka Caafimaadka ee Public Health – Seattle & King County. “Tallaalka iyo xoojisooyinka waxay dad badan ka difaaci doonaan xanuunka daran, markii la tixgeliyo heerarkeena sare ee gaarsiinta tallaalka ee King County. Laakiin sarakacaan dhaqsaha badan, waxaan ku arki karnaa badasho degdeg ah xagga kiisaska daran ee dadka aan tallaalneyn iyo sidoo kale siyaado leh kiisas aad u darneyn.”
Dr. Duchin wuu sii waday, “waxaa ugu fiican in loo diyaar garoobo oo aan feyraskaan la sahlan. Hadda waa waqti muhiim ah oo la sameeyo wixii aan awoodno si loo xadido tirada dadka xanuunka la soo dhacaya waqti yar taasoo buux dhaafin karta nidaamkeena daryeelka caafimaadka ee awalba culeysku saarnaa, oo si ixtimaal ah u kala dhanbaaleysa daryeelka uu keeni karo markaan u baahanno.”
Badashada kiisaska sababtoo ah caabuqa Omicron waxaa lagula socdaa sheybaarrada maxaliga ah, oo inta badan hawshu ay qabato University of Washington.
“Sheybaarka Feyraska lagu barto ee UW Medicine wuxuu baarayaa 100 ilaa 200 oo tijaabo (sanbal) ah maalintiiba wuxuuna arkay caabuqa oo si dhaqsa ah ugu kordhay maalmo gudahood. Hadda, in ka badan saddex meelood meel tijaabooyinka (sanballada) COVID ee aan baarno waa caabuqa Omicron,” sidaas waxaa yiri Dr. Alex Greninger, agaasime kalkaaliso, UW Medicine Clinical Virology Laboratory (Sheybaarka Feyrasyada).
Tilloobooyin lagu diyaargaroobo
Hirkaan soo socda ee kiisaska wuxuu keeni doonaa caqabado cusub oo bulshadeenu u baahan tahay inay ka jawaabto:
- Ganacsiyada iyo meelaha daryeelka caafimaadka waa in ay qorshaha ku darsadaan saameynta shaqaalaha iyo yareynta khatarta meesha shaqada.
- Iskoollada waxay sidoo kale arki karaan saameynno ka imaada kiisaska oo ku bata shaqaalaha iyo ardeyda kadib fasaxa jiilaalka (winter break). Hadda waa waqti ku fiican in la dhaqan-geliyo tillaabooyinka yareynta khatarta oo ay ku jiraan af-xirasho caalami ah oo gudaha, qulqulka hawada oo la hagaajiyo, iyo ka hadlidda ardeyda, macalimiinta, iyo shaqaaluhu inay guriga joogaan markey yeeshaan calaamada xanuunka.
- Dadweynaha loogu talagalay: Waa u muhiim dareenkeena isku-xirnaanta iyo wanaagsanaanta in aan la kulanno saaxiibada, qoyska, iyo dadka aan jecelnahay. Fadlan ku samee sida ugu badbaado badan ee macquulka ah oo xadid tirada iyo baaxadda kulamada gudaha hadaad awoodo.
Si caafimaadka loo ilaaliyo hadda:
- Ka fogow meelaha ciriirigaa ee gudaha inta lagu jiro xilliga feystada.
- Xadid tirada kulamada oo haday macquul tahay, samee baaritaan dhaqso ah maalinta kulanka.
- Kulamadu waxay caafimaadka ku ilaalin-ogyihiin meelaha hawado si fiican ugu wareegto. U fur daaqadaha hawo cusub (fareesh) ah.
- Dib u dhig safarka markey macquul tahay.
- Hadda waa waqtiga dib loo cusbooneysiiyo maaskaradaada sidaa ugu baahantahay. Hubi in ay tahay mid tayo sare oo si fiican u le’eg (Isku-xire Ingiriis keliya ku qoran). Qofkasta oo jira 5 sano ama ka weyn, ayadoon la eegeyn xaaladda tallaal, waa ku waajib xirashada maaskaro gudaha meelaha dadweynaha sida dukaamada cuntada, tafaariiqda, tiyaatarrada, iyo meelaha madadaalada, iyo dhacdooyinka bannaanka oo wata 500 oo qof iyo wax ka badan. Af-xirasho waxaa sidoo kale lagula taliyaa qofkasta oo ku jira meelo ciriiri ah oo bannaankaa.
- Booqo Goob-sheegaha Tallaalka ee gobolka Washington (ka dooro afkaaga geeska kore ee midig) si aad u heshid ballan xoojiso.
- Dadka khatarta sare leh ee noolashaada ku jira, u qaado tillaabooyin taxaddar oo dheeri ah.
Haddii feyraska lagaa helo:
- Guriga joog, inaad daryeel caafimaad raadiso mooyee.
- Naftaada daryeel. Naso waxna cab. Qaado daawooyin qoraal dhaqtar u baahneyn sida kaarjebiyaha Teylanool si aad u roonaatid.
- Inta ugu badan ee aad awoodo, iska karantiil dadka kale ee gurigaaga.
- U sheeg dadka xiriirka dhaw kula yeeshay in laga yaabo COVID-19 inuu soo gaaray. Qofka qaba feyraska wuxuu gudbin karaa COVID-19 laga bilaabo 48 saacadood (ama 2 beri) intaan qofku yeelan wax calaamado ah ama laga helin feyraska. Ogeysiinta dadka xiriirka dhaw kula yeeshay in laga yaabo COVID-19 inuu soo gaaray, waxaad ku caawineysaa in la ilaaliyo qofkasta.
- Caafimaadka Dadweynaha wuxuu hayaa macluumaadka tillaabooyinka la qaado haddii adiga ama xubin qoys laga helo feyraska. Macluumaad waa ku diyaar Ingiriis ama ayadoo la soo wacayo 206-477-8260, 7 beri ee isbuuca, laga bilaabo 9 a.m. ilaa 6 p.m. Adeegyo Luuqad waa diyaar.
Asal ahaan la daabacay Diseembar 21, 2021.