Gacan ka geysto yareynta faafka COVID-19 adigoo hormarinaya hawada gudaha dayrtaan iyo jiilaalkaan (Xilliyadaan qabow)

Hadda waxa laga yaabaa inaad maqashay in aanu la kulannay kiisas sare oo hargab ah iyo RSV ah (cudur neef-mareen) (macluumaad turjuman waa la heli karaa) dayrtan, iyadoo carruurta yaryar la dhigay isbitaallada. Markii cimiladu qabowyihiin waxaan ku qaadannaa waqti badan gudaha. Tan waxay kordhisaa suurtagalnimada sare-u-kac horleh ee kiisaska COVID-19 iyo isbitaal dhigista bilaha soo socda.

Cudurrada sida RSV, hargabka, iyo COVID-19 waa kuwa hawada la isku qaadsiiyo oo si fudud ugu faafa gudaha. Iyadoo maskaxda lagu hayo, waxaa muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho tayada hawada gudaha.

Inta lagu jiro xilliga dayrta, Caafimaadka Dadweynuhu wuxuu ku taliyaa in la xiro daaqadaha si qiiqa gubata duurka bannaanka loogu hayo. Si loo yareeyo jeermiska keena cudurrada neef-mareenka, waxaad rabtaa inaad sameyso lidkeeda. Soo geli hawo-bannaan cusub intii aad awooddo. Hoos waxaa ku yaal xeelado ku saabsan sida taas loo sameeyo!

Waxaa muhiim ah in la xasuusto in tayada hawada gudaha ay tahay mid ka mid ah xeeladaha badan ee ka hortagga COVID-19. Xeeladaha kale ee lagu ilaalinayo adiga, kuwa aad jeceshahay, iyo bulshadaada waxaa ka mid ah:

Xeeladaha hormarinta hawada gudaha

Laba xeeladood oo muhiim ah oo loogu talagalay hawada gudaha ee caafimaadka leh waa qulqulka-hawada iyo sifeynta. Qulqulka-hawadu wuxuu meelaha gudaha soo geliyaa hawada bannaanka ee fareeshkaa si ay u yareyso cadadka wasakhowga hawada, sida feyrasyada. Sifeynta waxay hawada ka saartaa fayrasyada iyo busta iyadoo ku reebeysa sifeeye.

Tillaabooyinka hoos ku qoran ayaa kaa caawin doona inaad hormariso qulqulka hawada iyo sifaynta gurigaaga, ganacsigaaga, goobta shaqada, dugsiga, goobta bulshada, ama meel kasta oo kale oo aad kula kulmi karto dadka kale gudaha.

Afar tillaabo oo muhiim u ah hormarinta hawada gudaha

  • Fur daaqad ama albaab (haddii cimiladu oggolaato iyo hadday ammaantahay) – xitaa dhowr inji ayaa hagaajin kara hawadaada gudaha! Dhig marawaxada la qaadi karo dhinaca furan, oo u jeedda bannaanka, si aad hawada wasakhaysan u saarto. Nasiib darro, tan waxa laga yaabaa in aysan u ahayn door wanaagsan bulshooyinka qaarkood. Bulshooyinka ku nool hareeraha waddooyinka waaweyn ama hawlaha warshadaha, hawada bannaanka waxay noqon kartaa mid aad u wasakheysan.
Sawirka qol leh bus hawada ku jirta. Daaqadaha way furan yihiin si ay hawo cusub u soo geliyaan, marawaxada daaqaddana waxa ay ka afuufeysaa busta qolka dhexdiisa ee daaqadda.
Furitaanka daaqadaha ayaa kaa caawin kara hagaajinta tayada hawadaada gudaha. Marwaxada daaqada ayaa kaa caawin karta in ay hawada xun saarto oo ay soo geliso hawo cusub. Xuquuqda sawirka: What Else Design
  • Daar marawaxadaha qiiqa sida marawaxadaha musqusha ama saqafka jikada. Marawaxadahaan waxay caawin karaan inay ka saaraan hawada fadhida oo ay soo jiidaan hawo bannaanka oo cusub.
  • Tixgeli in aad iibsato hal ama in ka badan oo hawo-nadiifiye la qaadi karo oo leh filtarrada HEPA. Sifeeyaasha (filtarrada) HEPA waxay soo qabtaan oo ka saartaan walxaha yaryar hawada, sida jeermiska, busta, qiiqa, caaryada iyo boodhka. Nadiifiyeyaasha hawadu way ku kala duwan yihiin qiimaha, laakiin qalabyada qaarkood oo qiimahoodu ku dhow yahay $100 ayaa si wax ku ool ah qol u nadiifin kara. Akhri hagitaankeena nadiifiyaha HEPA (boggaan wuxuu ku qoran yahay Ingiriis kaliya) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan inta aad isticmaali karto iyadoo ku xiran xajmiga booskaaga iyo shahaadooyinka la raadinayo. (Ma ka welwelsan tahay isticmaalka tamarta? Nadiifiyeyaasha hawada HEPA ee batoonkooda ugu sarreeya waxay isticmaalaan qiyaastii inta ugu badan ee nalka iftiinka!)

    Si aad u hesho ikhtiyaarka DIY (iskaa-u-samee) ee la awoodi karo, waxaad si fudud guriga u samayn kartaa sifeeye marawaxad ah! Doorashadaan waxay ku kacaysaa qiyaastii $35 waxayna 90% yarayn kartaa noocyada wasakhowga hawada. Waxaan haynaa fiidiyow degdeg ah oo aad daawan karto (boggaan waa Ingiriisi keliya) si aad u barato sida loo sameeyo sifeeye marawaxada ah.

    Labadaba nadiifiyeyaasha HEPA iyo sifeeyeyaasha marawaxadda, dayactirku waa muhiim si loo hubiyo inay si sax u shaqeeyaan. Hubi inaad si joogto ah u beddesho filtarrada iyadoo loo eegayo jadwalka dayactirka qalabkaaga. Beddel filtarrada loo isticmaalo marawaxadda sanduuqa saddexdii biloodba mar ama marka ay wasakh u muuqdaan.
Sawirka qol leh walxo yaryar oo hawada ku jira iyo nadiifiyaha hawada ee HEPA oo hawada ka saaraya walxo yaryar. Daaqadaha waa xiran yihiin.
Isticmaalka sifaynta farsamada sida qalabka sifaynta HEPA waxay yarayn kartaa ilaa 99% walxaha hawada ku jira. Xuquuqda sawir: What Else Design
  • Ma haysaa nidaamka Kuleyliyaha, Hawo-wareejinta, iyo Qaboojinta (HVAC)? Hadday haah tahay, waxaa jira dhawr tillaabo oo muhiim ah oo la qaado:
    • Ku cusbooneysii filtarka nidaamkaaga MERV 13, ama heerka ugu sarreeya ee nidaamkaagu ogolaado.
    • Fur meelaha hawo-mareenada ah (marawaxado la furi karo) si aad hawo badan oo dibadda ah u soo geliso. Isku day inaad 100% kordhiso caddadka hawada bannaanka ee ay soo jiidaneyso.
    • Samee jadwal loogu talagalay kormeerka HVAC ee joogtada ah, nadiifinta, iyo dayactirka. Jadwalka ku dar beddelidda filtarrada iyo cusbooneysiinta nidaamka ama hormarinnada.
    • Haddii aadan hubin inaad leedahay nidaamka HVAC? Weydii dayactirahaaga ama maareeyaha dhismaha wixii macluumaad dheeraad ah. Markaad saas sameyso, waxaad weydiin kartaa xeeladaha kor ku xusan.

Maxaan baadi-goobaa?

Haddii aad booqaneyso meelaha dadweynaha, waxaa jira dhawr waxyaalood oo aad raadin karto si ay wax kaaga sheegaan tayada hawada gudaha.

  • Hawadu ma taagan tahay? Hadday sidaas tahay, taasi waa calaamad muujinaysa inaysan jirin socodka hawo fiican.
  • Fiiri haddii ay jiraan daaqado ama albaabo furan oo u oggolaanaya hawadu inay gudaha soo gasho kana baxdo meelaha.
  • Ma jiraan nadiifiyeyaal hawada HEPA ah ama marawaxado sanduuq ah oo filtarrado ku dhegan yihiin – oo qalabku ma shidanyahay?
  • Ma arki kartaa astaamaha nidaamka HVAC, sida hawo-mareennada ama tuubooyinka?

Maxaa Caafimaadka Dadweynuhu sameynayaa?

Ma tahay ganacsi ama hay’ad u furan dadweynaha? Caafimaadka Dadweynuhu wuxuu bixiyaa kaalmo farsamo oo bilaash ah si ay kaaga caawiso hormarinta qulqulka hawada iyo tayada hawada gudaha. Si aad u codsato kaalmo, fadlan buuxi foomkaan (macluumaad turjuman waa la heli karaa) inta aad awooddo. Shaqaalaheenu waxay u jawaabi doonaan sida ugu dhakhsaha badan ee macquulkaa. Haddii aad u baahan tahay caawimaad foomka ama turjumaan, fadlan iimeel usoo dir IAQinfo@kingcounty.gov ama wac 206-477-5166. Turjumaad waa diyaar adigoo luuqaddaada ku sheegaya Ingiriis. Kadib, fadlan ku jir khadka inta turjumaan laguugu xirayo.

Intaa waxaa dheer, waxaan ku bixinaa macluumaad badan boggayaga Tayada Hawada Gudaha (macluumaad turjuman waa la heli karo). Boggaan waxaa ku jira:

  • xeelado badan oo lagu hormariyo tayada hawada gudaha.
  • dukumentiyada tixraaca oo lagu heli karo luuqado badan.
  • hagitaan gaar ah oo loogu talagalay goobo kala-duwan: guryaha la wadaago ama lagu shiro, dugsiyada iyo xarumaha xannaanada ilmaha, iyo makhaayadaha.

Asal ahaan waxaa la dhajiyay 12/13/22