Power outage – Somali

Tallaabooyinka Ka Taxaddarka Go’itaanka Korantada Ee Meheradaha Cuntada

Waxa ku waajib ah meheradaada in ay joojiso shaqada xiliyada ay korantadu go’an tahay.

Taa macneheedu waxa weeyaan:

  • Waa in aan wax cunto ah la diyaarin
  • Waa in aan wax cunto ah la bixinin (xidh meherada)

QAABKA CUNTADA LOO MAAMULAYO XILIGA KORANTADU MAQAN TAHAY

  • Albaabka talaagada ama qaboojiyuhu ha xidhnaado si qabowga ugu badan loogu hayo qaboojiyaha gudihiisa inta ay korantadu maqan tahay.
  • Ka feker in aad cuntooyinka u nugul inay xumaadaan gayso xarun shaqaynaysa oo ka mid ah xarumaha kaydka qabow ee ruqsada haysta (kuwaa waxa ka mid ah xarumaha aysan saamayn koranto la’aantu, ama gawaadhida qaboojiyayaashu saaran yihiin ama xarumaha kaydka barafka).
  • Hadii ay qasab noqoto in albaabka qaboojiyaha la furo, isku day in aad kordhiso mudada la kaydin karo cuntooyinka u nugul inay xumaadaan adiga oo adeegsanaya baraf nadiif ah oo aan wasakh lahayn iyo/ama barafka qalalan (dry ice). Intaa ka dib xidh albaabka qaboojiyaha.

TILMAAMAHA DIB U FURISTA MEHERADA

  • Adeegso heerkulbeeg (thermometer) dhijitaal ah oo nadiif ah si aad u ogaato cuntooyinka u nugul inay xumaadaan (sida hilibka, kalluunka, digaaga iyo cuntooyinka karsan) ee heerkulkoodu ka sareeyay 41 darajo muddo ah afar saacadood iyo ka badan. Hadii muddada aanad garanayn, tuur cuntada.
  • Talaagadaha iyo/ama qaboojiyayaashu waa in ay si buuxda u shaqaynayaan awoodna u leeyihiin in ay cuntada ku kaydiyaan heerkulka saxda ah (qaboojiyayaashu waa in ay wax ku kaydiyaan heerkul la mid ah ama ka hooseeya 41 darajo, baraf dhaliyayaashuna waa in ay cuntada baraf ka dhigaan).
  • Waa in ay yaalaan biyo kulul (heerkulkoodu yahay ugu yaraan 100 darajo) iyo biyow qabow oo la cabi karo.
  • Hubi in saacadaha korantada laga damiyo ay dhamaantood shidan yihiin.
  • Goobaha gacmaha lagu dhaqaa wa in ay si buuxda u shaqaynayaan
  • Adeegyada korantada iyo gaasta dabiiciga ah (hadii la adeegsado) waa in ay diyaar yihiin
  • Qalabka gaaska ku shaqeeyaa waa in ay haystaan hawo ku filan oo waafaqsan shuruudaha loo dajiyay.
  • Weelka sida joogtada ah loo isticmaalo waa in la dhaqaa lana nadiifiya.

AMAANKAAGA ILAALI! GURIGA DHEXDIISA HA KU ADEEGSAN

DHUXUSL AMA XAABO AMA MATOORRADA!